Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Geel badan diyo ahaan ugu kala wareejisay labo beel oo rag iska dilay (Sawirro)

Al Shabaab ayaa boqolaal geel diyo ahaan ugu kala wareejisay labo beel oo dagaalamay iskana dilay afar nin, waxaana munaasabad ay kasoo qeyb galeen waxgarad kala duwan iyo saraakiil katirsan Al Shabaab lagu kala wareejiyay geelkaasi diyada ah.

Beelaha Gaaljecel iyo Gelidle oo ku dagaalamay xadka ay wadaagaan Gobolada Baay, Bakool iyo Hiiraan ayaa la sheegay in ay iska dileen afar nin oo labada dhinac ah, waxaana dagaalka beelahaasi kusoo baxay oo xaliyay kooxda Al Shabaab.

Al Shabaab ayaana ku amartay beelaha dagaalamay in ay iska bixiyaan diyada lagu leeyahay raga ay iska dileen, waxaana wadahadal kadib lagu guuleestay in beelahaasi kala qaataan diyada ragii ay kala dileen.

Munaasabad ay kasoo qeyb galeen waxgaradka beelaha dagaalamay iyo masuuliyiin katirsan Al Shabaab ayaa lagu kala qaatay afar boqol neef geel ah oo ahaa diyada afarta nin ee dagaalka labada beel dhax maray ku dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo la sheegay in lacag ku bixiyaan in ciidanka dowladda isticmaalaan Maan-dooriye

Cabdi Cade

Daawo: Wararkii ugu dambeeyey kulamo Siyaasadeed oo Muqdisho ka socda

Caydiid Ali

Laftagareen oo Warbixin laga siiyay sida loo qabanayo Doorashada Golaha Shacabka (Sawiro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---