Xagee ku Dambeyn doonaa Madaxweynihii Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ?

Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay is casilay kadib rabshado xoogan oo ka dhacay magaalada Jigjiga oo xarun u aheyd  maamulkiisa.

Cabdi Maxamuud Cumar oo Madaxweyne ka ahaa dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya in ka badan 8-sano ayaa lagu qasbay in uu xilka iska casilo kadib cadaadis siyaasadeed oo la saaray iyo rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga.

Sida aan xogta ku heleyno Madaxweynaha is casilay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa weli majaraha u hayo siyaasadda dowlad deegaanka Itoobiya, waxa uuna wali yahay Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ee DDSI Axmed Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Cabdi Iley uu joogo magaalada Jigjiga uuna nabad qabo, waxa uuna intaa raaciyay in uu wali majaraha u hayo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kaliyana uu iska casilay xilka Madaxweynaha.

“Waa uu fiicanyahay, waxa uu joogaa Jig Jiga, welina waa guddoomiyaha xisbiga, booskaas isaga ayaa jooga, aniguna waxaan ahay madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga,anagu xisbi baan nahayn, weli dowladdii iyo nidaamkii waa sidiisii, booskii madaxweynenimada ayuunbaa is badalay”.Ayuu yiri Axmed Cabdi.

Waxaa shaki la galinayaa Mustaqbalka Madaxweynihii is casilay ee Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana dadka Siyaasada Itoobiya falanqeeya aaminsan yihiin in suurto gal tahay in uu ciqaab kala kulmo Dowlada Federaalka ee Itoobiya lana xiro.

Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in uu aamisan yahay in Madaxweynihii hore DDSI uusan wax dhibaato ah la kulmeyn, waxa uuna xusay in uu yahay shaqsi wax badan soo qabtay oo mudan ixtiraam.

“Madaxweyne hore, ixtiraam badane ay bulshada u hayso, dadkuna wax waa isku qaban karaan, Soomaalida dad anaga wax naga tabanaya waa ay jiraan, waa qof Itoobiyaan ah oo dalkiisa iyo dadkiisa dhex jooga, Addis Ababa ayuu tagi karaa, Jig Jiga ayuu joogi karaa, gobolada ayuu ku noolaan karaa”.Ayuu yiri Madaxweynaha cusub DDSI.

Magaalada Jigjiga waxaa hada ka socda wadahadalo ay qeyb ka yihiin Madax katirsan dowlada Federaalka, Saraakiil ciidan iyo Madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, wadahadlkan ayaana lagu doonayaa in lagu xaliyo xiisada Jigjiga ka taagan.

Madaxweynihii hore ee DDSI ayaa ahaa nin awood badan leh oo heestay taageerada ciidanka Liyuu Booliiska, waxaana hada shaki badan la galinayaa mustaqbalkiisa siyaasadeed maadaama is casilaadiisa lagu cadaadiyay.

Madaxweynayaal horey usoo qabtay talada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markii xilka ka dageen waxa ay ku dambeeyeen xabsiga, lamana hubo in Cabdi Maxamuud Cumar uu isna ku dambeyn doono wadadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -