Ciidamada Amaanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Xaafado katirsa Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaana howlgalkan intii uu socday lagu qab qabtay dhalinyaro badan.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ayaa xalay howlgal qorsheesan waxa ay ka sameeyeen xaafado dhoor ah oo katirsan Boondheere, waxa ayna ciidamada qab qabanayeen dhalinyarada iyagoona xaafadaha qaar gudaha u galayay.

Ciidamada booliiska ayaa dadkii ay qab qabteen isugu geeyeen goob barxad ah , waxa ayna ciidamada sii daayeen inta badan dhalinyaradii ay qab qabteen, waxaana la sheegay in ciidamada horey u wateen dhoor dhalinyaro ah oo tuhun badan galay.

Howlgalkan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalo qorsheesan oo ay ciidamada amaanka habeenadii lasoo dhaafay ka fulinayeen xaafado katirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan guryo bartilmaameed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -