Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xuutiyiinta oo gantaal la helay markab kale oo marayey Badda Cas

Markab ganacsi oo ku sugan Badda Cas ayaa gantaal lala helay, taasoo keentay burbur soo gaaray markabka, howlgallada ganacsiga badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa Jimcihii ku sheegay qoraal digniin ah.

Hay’adda dabagalka badaha Ingiriiska ayaa sheegtay in shilkan uu ka dhacay meel 76 nautical miles galbeed ka xigta magaalada dekedda leh ee Xudeydah ee galbeedka Yemen. Ma aysan cadeyn dalka laga leeyahay iyo calanka markabka.

Heyadda ayaa sheegtay in shaqaalihii la socday la sheegay in ay bad qabaan, markabkana uu ku sii socday dekeddiisa xigta.

Todobaadyadii la soo dhaafay, fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa xoojiyey weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee ku sugan badda cas, weeraradaas oo ay ku sheegeen in ay uga aargoosanayaan Israa’iil ololaha millatari ee ay ka wado Qaza.

Maraykanka iyo UK ayaa geeyey gantaalada lidka maraakiibta iyo hub kale si ay uga hortagaan weerarada Xuutiyiinta ee marin biyoodka muhiimka ah hase ahaatee talaabadaas wax badan kama qabanin ka hor taga weerarada Xuutiyiinta.

Related posts

Madaxweyne Macron oo Itoobiya ku taageeray sidii ay u heli laheyd bad

Cabdi Cade

Dowlada oo shaacisay cida ka dambeysay Afduub Haweeney Jarmal ah loogu geestay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne cusub oo loo magacaabay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---