Xil ka qaadis lagu sameeyay Danjire Cali Maxamed Cali oo laga hor yimid (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday 26-kii bishii July ee sanadkan Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xilka looga qaaday Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cali.

Wasiir Cawad ayaa xoghayaha uu xilka ka qaaday waxa uu u magacaabay in uu kamid noqdo la taliyaashiisa halka Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Dibadda si KMG ah ugu magacaabay Danjire Saciid Xaaji Maxamuud.

Xoghayihii xilka laga qaaday ayaa la sheegay in uu ka carooday xilka laga qaaday, waxa uu dacwad u tagay xafiisyada Madaxda dowlada iyo sidoo kale Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee dowladda Soomaaliya.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha dibadda ayaa kusoo aaday xili Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha lagu joojiyay in Wasiirada ay xilka ka qaadi karaan Agaasimayaasha iyo Xoghayaasha Joogtada.

Hadaba xil ka qaadista lagu sameeyay Cali Maxamed Cali Xoghayihii joogta ee Wasaarada Arimaha Dibadda waxaa ka hor yimid Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee dowladda , waxa ayna Guddigan sheegay in xil ka qaadistan ka hor imaaneyso Amarkii R.Wasaare Kheyre.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa Wasiirka u sheegay in Xoghayaha joogtada ku yimid magacaabista Ra’isul Wasaaraha , waxa ayna Wasiirka Arimaha Dibadda ugu baaqeen in Xoghayaha dib ugu celiyo shaqadiisa.

Halkan Hoose ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo sidoo kale Digreetadii xilka looga qaaday Xoghayihii joogtada ee Wasaarada Arimaha Dibadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -