Madaxweyne xilka ka qaaday Agaasime Saacado kahor shaaciyay in uu is casilay

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee Wasaarada arrimaha gudaha Hirshabeellle Mudane Maxamed Xasan Kulmiye.

Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Guudlaawe ayuu ku sheegay in xilka uga qaaday agaasimihii hore sidii loo dardar galin lahaa howlaha shaqo ee wasaaradda, waxa uuna xilka agaasimaha u magacaabay Mudane Nuur Xasan Sheekh Muuse.

Dhinaca kale agaasimihii xilka laga qaaday ayaa sheegay in isagu is casilay, waxa uuna sheegay in muddo shan bil uu xilkan hayay kusoo shaqeeyay xaalado kala duwan uuna ka xumaaday in gurmadka abaaraha siyaasad iyo ganacsi loo adeegsado.

”HirShabelle oo ay ka jirto xaalad adag oo colaad iyo abaarba leh dagaalna kula jirto Alshabab waxey xilligaan mudneyd inaan siyaadad iyo ganacsi loo isticmaalin howlaha Gurmadka ah iyo isku xerka Mashaariicda Xasilin ee deegaannada mudan loogu tala galay, waxey mudneyd hoggaan sare oo leh Han” uu ummada ugu adeego Dowladdana ku daa-dejiyo .” ayuu yiri agaasimaha xilka laga qaaday.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa marar badan xil ka qaadis ku sameeyay agaasimaha wasaaradda arrimaha guud, waxaana agaasimayaasha xilalka laga qaado inta badan kahor yimaadaan rabitaanka madaxweynaha.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -