Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlay kulan uu ka qeyb galay Fahad Yaasiin oo ka dhacay xarunta NISA?

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Agaasimihii Hore ee Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin uu xalay xarunta NISA kulan kula qaatay taliyeyaal ciidan.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loola shaqeyn lahaa agaasimaha cusub ee Taliska NISA uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo Yaasiin Farey.

Sida ilo xog ogaal ahi sheegayaan waxaa kulanka ka qeyb galay taliyaha ciidanka Booliska, kan gobolka Banaadir, Taliyaha NISA ee uu Magacaabay Farmaajo iyo xubno kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka uu ahaa mid xilka lagu wareejinayay Taliye Yaasiin Farey oo magacaabisiisa ay qeyb ka tahay khilaafka ba’an ee u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Fahad Yaasiin oo maalmo ka hor ku soo laabtay dalka ayaa wada kulamo uu la qaadanayo saraakiisha amaanka, kuwaasoo aan saxaafada laga siin wax war ah oo ka soo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Xaamilo aheyd oo aano qabiil maanta loo dilay iyo xiisad taagan

Cabdi Cade

Maroodi ku nool dalka India oo lagu arkay mucsijo aan horey loo arag (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Mukhtaar Roobow oo arrin muhiim ah kala hadlay Saraakiil katirsan ciidanka Xoogga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---