Taliye hore oo Al Shabaab u fududeeyay qaraxyo dad badan ku dhinteen oo xukun lagu riday

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday sargaal hore uga tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya, kaa oo lagu helay in uu Al Shabaab la shaqeenayay gawaari qaraxyo ahna Muqdisho soo galiyay.

Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ku riday xukun dil ah, waxa uuna sargaalkan qirtay in Al Shabaab la shaqeeyay uuna gawaari qaraxyo waday soo galiyay qeybo kamid ah Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sheegtay in sargaalkan gawaari qaraxya ah uu Muqdisho soo geliyay, waxa uuna gawaaridaas ku baakimay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar iyo Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019 iyo xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019.

Qaraxyada uu fududeeyay sargaalkan horey uga tirsanaa milatariga Soomaaliya soona noqday taliye urur ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 27-qof halka tiro kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Maxkamadda ciidamada ayaana xukun dil ah oo qisaasta dadkii ku dhintay qaraxyadii uu fududeeyay ku riday Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ah 53-sdanno jir ku dhashay gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -