Burburka Dayax-Gacmeed weyn oo laga digayo inuu ku soo hooban doono dhulka

Wasaaradda Sayniska iyo Teknoolajiyada ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ka digtay in la filan karo burburka Dayax-Gacmeed Maraykan oo Hawlgab noqday, kaasi oo shalay dul maray Hawada Sare ee Gacan-biyoodka Kuuriya .

Warkan oo aan ka soo xiganay Warbaahinta KBS World ee dalka Kuuryada Koonfureed waxay sheegtay inay Wasaaradda Sayniska ee dalkaasi saakayto soo saartay Digniin Qeylo-dhaan ah oo ku aadan inuu Dayax-Gacmeedkaasi dib ugu soo dhici doono dhulka iyo inay Muwaadiniintooda muujiyaan Feejignaan ku aadan Khatartaas la filan karo.

Dayax-Gacmeedka la hadal-hayo inuu ku soo wajahan yahay dhulka ayaa soo dhamaystay Hawlgal uu ku-dhawaad 40 sano ugu maqnaa Hawada Sare ee Caalamka.

Dayax-Gacmeedkaasi waxaa Hawada Sare loo diray sanadkii 1984-kii, wuxuuna culayskiisa guud dhan yahay 2 Tan iyo 450 Kg. Machadka Kuuriya ee Culuunta Hawada Sare iyo Xiddigiska waxa uu tilmaamay inay jirto Fursad Weyn oo Burburka Dayax-Gacmeedkaasi ku soo dhici doono Jesiirada Kuuriya .

Ma cadda xilliga iyo goobta uu ku soo hooban doono burburka Dayax-Gacmeedkaasi, balse, Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Hawada Sare ee NATO iyo Ciiddanka Cirka ayaa la filayaa inay shaaciyaan Xogta ugu dambaysa ee halka uu ku wajahan yahay haraaga burburka ee Dayax-Gacmeedkaasi.

Wasaaradda Sayniska iyo Teknoolajiyada ee Kuuryada Koonfureed waxay xustay inta badan Dayax-Gacmeedyada inay gubtaan ka hor inta aysan soo gaarin dhulka.

Wasaaradda waxay dadka ugu baaqday inay taxadiraan iyo inay soo wacaan Adeegyada Degdega haddii ay arkaan burbur kasta oo ay ka shakiyaan.

W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -