Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo ka bad baaday Qorshe Al Shabaab ku dili rabeen

Waxaa xalay fiidkii qarax miino oo ka dhacay agagaarka Ceelgaabta ee ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ka bad baaday Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoloolaha ee Xukuumada Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino oo la dhigay hareeraha laamiga ayaa lala eegtay gaari la sheegay in uu lahaa Wasiirka Xanaanada xoolaha oo xiligaasi marayay agagaarka Ceelgaabta.

Wasiirka ayaa ka bad baaday qaraxa Al Shabaab doonayeen in ay ku dileen, waxaa sidoo kale la sheegay in uusan khasaare nafeed kasoo gaarin qaraxa ilaalada iyo dadkii kale ee la socday gaariga Wasiirka.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan dambe kusoo badanaya caasimada, waxaana qaraxydaan la sheegaa in aan lala eegan inta badan dad bartilmaameed ah balse lala eegto gaadiidka loo maleeyo in masuuliyiin la socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -