Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdi la socda oo kusii jeeda magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno katirsan xukuumadda iyo labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi oo lasoo dhigay ciidamo badan oo sugaya ammaanka madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo magaalada Baydhabo ayaa ujeedkiisa lagu sheegay dhiirogelinta iyo ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ka furmaya magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo dhigay gogosha shirka  dib u heshiisiinta ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, waxa uuna halkaasi ka wadaa shirar hor dhac ah oo looga arrinsanayo shirka weyn ee furmaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -