Ra’isul Wasaare Rooble oo sheegay inuu qancinayo Musharaxiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale ka hadlay walaaca weli ka taagan guddiyada doorashooyinka dalka ee ay qabaan musharaxiinta doorashada Madaxweynaha.

Rooble oo ka hadlayey xaflad xalay ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo tabashada ay musharraxiinta mucaaradka guddiyadaas ka muujiyeen

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto musharraxiinta si uu uga dhaadhiciyo guddiyada la magacaabay ee doorashooyinka si meesha loogbaa saaro shakiga ay qabaan.

“Waxaan diyaar u nahay inaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka la yeelano wada-tashiyo gaar ah, si loo helo xal lagu wada qanacsan yahay oo lagu wajaho doorashooyinka” ayuu yiri RW Rooble

Dowlada Somalia iyo mucaaradka ayaa isku maan dhaafsan guddiyada doorashooyinka ee RW Rooble magacaabay, kuwaasoo siyaasiyiinta mucaaradku ku eedeynayaan iney dhexdhexaad noqon karin, maadaama bay yiraahdeen ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo shaqaale dowladeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -