Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar 12-sanno jir ah oo dishay Walaalkeed iyo Booliiska oo baaritaan wada

Gabar 12-sanno ah oo u dhalatay dalka Mareykanka ayaa walaalkeed oo 9-sanno jir ahaa kuĀ  dishay toorey, falkan dilka ah ayaa dhacay xilli saq dhaxe ah ay hurdeen waalidka dhalay carruurtan .

War kasoo baxay booliisla magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ayaa lagu sheegay in xilli saq dhaxe ah oo la hurday gabadha toorey ku dishay walaalkeed, waxa ayna booliiska xuseen in falkaasi kaddib gabadha soo toosisay waalidkeed una sheegtay dhibka dhacay.

Wiilka toorey lagu dhuftay oo dhaawac halis ahaa ayaa geeriyooday markii isbitaalka la geeyay , waxaana falkan gabadha yar ku dishay walaalkeed ka argagaxay waalidka dhalay iyo dadkii dariska lahaa.

Ciidamada booliiska ayaana gabadha yar ee dilka geesatay ku xiray xabsi la geeyo carruurta aan qaangaarin, waxaana saraakiisha booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaano ku aadan kiiskan dilka ah .

Madaxa waaxda booliiska ee magaalada Tulsa, Franklin ayaa sheegay in magaaladooda sanandkan cusub ka dhaceen labo dil, waxa uuna xusay in dilkan dambe uu ahaa mid naxtin ku reebay ayna layaaban yihiin sababta ilmo yar u dilay ilmo kale .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ronaldinho Oo Halmar Laba Xaas Guursanaya & Faah-Faahin Laga Bixiyay Waqtiga Guurka

Cabdi Cade

Sargaal sare oo katirsan golaha dagaalka ee Israa’iil oo kahor yimid Qorshaha Netanyahu

Cabdi Cade

Farmaajo oo markii 6 aad iclaamiyay Shir looga hadlayo arimaha Doorashada !!

admin
Taboola Ads ---