Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaoiya Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa xalay gurigiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Xamse Barre ayaa ugu tagay Madaxweyne Cabdiqaasim in uu hubiyo xaaladdiisa caafimaad iyo in uu uga xog warramo halka uu dalku marayo, gaar ahaan xaaladda guud ee Amniga iyo Siyaasadda.

“Mudane Cabdiqaasim wuxuu soo dhaweeyay booqashada iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliyeed ee dib looga xoreynayo dalka kooxda Al Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka, isagoo intaa raaciyay inuu ku rajo weyn yahay in sida ugu dhaqsaha badan uu dib ugu soo laabto kuna noolaado dalkiisa” Ayuu yiri Rs’isul Wasaare Xamse.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho ku jooga dalka Masar, waxa uuna halkaasi kula kulmay madax katirsan dalkaasi.

Related posts

Saciid Ciise: “La-tashiga Siyaasiyiin isrogrog badan waxay dhibaato ku tahay madaxda DF”

Caydiid Ali

Mukhtaar Roobow oo laga soo saaray xabsigii uu ku jiray (Xagee la geeyey)

Caydiid Ali

(Sawirro) Musharax ay wadato DF & Malxiis qaatay shahaadada Musharaxnimo ee Kursiga HOP86

Caydiid Ali
Taboola Ads ---