Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka uga mahadcelisay Fulinta Mashaariic (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Hon. Jibril Abdirashid Haji  ayaa kulan la qaatay Safiirka Dawladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Larry E. André .

Wasiirka iyo danjiraha ayaa kawada hadlay iskaashiga labada dhinac iyo dhammeystirka qorshaha ku biiritaanka Ururka Mareykanka u qaabilsan awoodsiinta iyo taageerista ganacsiyada iyo maalgashadeyaasha Afrika oo codsigiisa uu hore u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mohamoud.

Ururkan, ayaa dawladda Mareykanku ugu talo-gashay siddii loo kobcin lahaa fursadaha ganacsi ee Afrika iyo abuurista xiriir ganacsi oo laba geesood ah oo dhex mara Mareykanka iyo wadamada Afrika, waxaana ay tani innoo fududeyn doontaa in wax-soo-saarka Soomaaliya si toos ah looggu dhoofin doono dalka Mareykanka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa safiirka iyo dawladda Mareykanka ba uga mahad-celiyey taageeraddooda ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarinta ganacsiyada gaarka ah ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -