C/wali Gaas oo booqday askartii Puntland kaga dhaawacantay dagaalkii Tukaraq (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku booqday Isbitaal ku yaalla Magaalada Garoowe askartii Puntland kaga dhaawacantay dagaaladii ka dhacay degaanka Tukaraq.

C/wali Gaas ayaa mid mid u dul joogsaday askarta dhaawaca ah isagoo ka wareystay xaaladooda caafimaad, wuxuuna dhaqaatiirka gacanta ku heysa kula dardaarmay iney ku dedaalaan Caafimaadkooda.

Waxaa uu u balan qaaday askarta dhaawacyada culus qaba in loo qaadi doono dibeda haddii xaaladooda caafimaad wax looga qaban waayo gudaha dalka, isagoo Alle uga baryey inuu caafimaad siiyo.

Dagaalo culus ayaa labo cisho ka hor ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo kuwa Maamulka Somaliland, waxaana labada dhinac kaga geeriyootay askar badan, iyado gaadiid dagaalna la kala qabsaday.

Madaxda labada dhinac oo hadalo kulul hawada isu mariyey ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu dagaalka bilaabay, iyadoo ciidamada labada dhinac ay weli isku hor fadhiyaan degaankaas, waxaana saacad walba la filan karaa inuu dagaal cusub ka dhex qarxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -