Dowlada oo xiliyada qaar ka inkaarsata shacabka kunool magaalada Muqdiho

Shacabka kunool magaalada Muqdisho ayaa dhibaato xoogan ku qaba wadooyinka magaalada ay xiraan ciidamada amaanka xiliyada ay jiraan munaaabado iyo marka ay imaanayaan wafuud caalami ah.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa noqday kuwa aan xili walbo la isku haleyn karin in ay furan yihiin, waxaana dhacda subaxii in aad soo toosto wadooyinka qaar oo xiran lana diidayo in gaadiidka maraan.

Shacabka magaalada Muqdisho qaarkood gaar ahaan Ardayda, Bukaanada, Shaqaalaha iyo dadka kale muruqmaalka ayaa dhibaato xoogan la kulma marka wadooyinka la xiro, waxa ayna dadkaasi ku qasbanaadaan in cagta maalaan socodna ku tagaan meel fog.

Dadka ugu daran ee saameynta ku yeelato xirnaasha wadooyinka Muqdisho waxaa kamid ah dadka bukaanada ah ee isbitaalada loo wado oo loo diido wadooyinka in ay maraan iyo sidoo kale ardayda oo mararka qaar xili imtixaan ku jiraan wadooyinka laga xirto.

Waxaa maanta xili kuleel daran uu jiray wadooyinka Muqdisho qaar la arkayay shacab lugtooda maalayay, dadkan ayaana ku calaacalayay hadii la ogeysiin lahaa in ay guryahooda iska joogi lahaayeen oo aysan soo bixi laheyn.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa balanqaadyadii ay sameysay xiligii olalaha waxaa kamid ahaa in aan si micno daro ah aan loo xiri dooni wadooyinka Muqdisho , hasa ahaatee balan qaadkaasi ayaa noqday afka baarkiisa.

Ciidamada amaanka ee inta badan lagu amro in ay xiraan Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaan wax naxariis ah u muujin shacabka ay jidadka ka xirtaan ay ku jiraan kuwa xanuunsan iyo haween qaarkood laga yaabo in fool yihiin.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiliyada ay xiran yihiin lagu arkaa dad masaakiin u badan oo inkaartamaya, kuwaa oo aad uga niyad jabsan kana xun in wadooyinka la iska xirtay xili aan shacabka lagu wargalin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -