Wiil guul gaaray oo hadal heyn badan ka dhalatay Da’da uu jiro (Daawo Sawirro)

Muuqiisa iyo da’diisu isma lahan. Wuxuu hadda jirsaday 12 sannadood. Laakiin marwalba oo lala meeldhigo asaagiisa, wuxuu u muuqdaa qof ka weyn ama aan ku fac ahayn eynigiisa.

Jeremiah Johnson wuxuu qabsaday hadalheynta kaddib markii uu baraha bulshada ku baahay sawirkiisa isaga oo gacanta ku sita kubbad. Aad buu runtii guulo fiican uga soo hooyay kubadda lala ordo.

Wiilkan ayaa marwalba oo ay dadku maagaan inay wax ka iska weydiiyaan guushiisa, waxaa uga soo horumarta da’diisa oo aanay rumeysan karin marka loo sheego, waxa ayna dadka qaar sheegeen in wiilkan da’diisa ka been sheegayo.

Dad badan oo ay sawiradiisu gaareen ayaa ku dooday inaanu Jeremiah jiri karin 12 sanno balse uu yahay 20 jir. Qaar kale oo si xagjiran uga faallooday sawirkiisa ayaa tilmaamay inay kaliya ku qanci karaan warqadda dhalashadiisa oo ay arkaan si ay u aaminaan inuu jiro 12 sanno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -