Afhayeenka Congress-ka Mareykanka oo la doortay kaddib 15 wareeg oo doorasho ah

Kevin McCarthy oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa wareeggii 15-aad loo doortay afhayeenka Aqalka Congress-ka Maraykanka subaxnimadii hore ee Sabtidii, kadib markii uu tanaasulaad badan u sameeyay koox ka mid ah garabka midig ee mayalka adag oo su’aalo badan ka keenay awoodda hoggaamintiisa.

57-jirkan oo laga soo doorto California ayaa 14 goor waxaa diiday ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa. McCarthy ayaa helay 216 cod, isaga oo waayay hal cod oo ka mid ah tirada looga baahnaa guushiisa wareegii 14-aadd, iyadoo koox yar oo garabka midig ah ay taako u dhigteen, inkastoo uu ballanqaaday kharash dhimis iyo tanaasulaad kale, taas oo sababtay inuu ku guuleystay codadka qaar badan oo ka mid ah asxaabta garabka midig oo hore u diiddanaa.

Codka ugu muhiimsanaa ee uu McCarthy raadinayay ayaa ahaa kan xildhibaanka mayalka adag ee Matt Gaetz oo ka aamusay inuu u codeeyo.

Xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ayaa dul dhoobtay Gaetz oo laga soo doorto Florida muddo daqiiqado ah, iyagoo isku dayayay inay ku qanciyaan inuu beddelo go’aankiisa kahor inta aanu McCarthy aqbalin guuldaradii 14-aad.

Gacan ka hadal kooban ayaa ka dhacay goobta doorashada, iyadoo Mike Rogers uu handaday Gates, laakiin xubnaha kale ee xisbigiisa ayaa dejiyay Rogers.

Natiijadan ayaa waxay jahawareer ku ridday golaha wakiilada kadib muddo toddobaad ah oo ay codeyn is daba joog ahi socotay, taasoo iftiimisay kala qaybsanaanta xubnaha xisbiga Jamhuuriga.

Waa markii ugu horreysay tan iyo 1859kii ee xarunta Congress-ka Mareykanka wajado doorasho ragaadisa howlaha shaqo ee xubnaha Congress-ka.

Waan ku faraxsanahay inay soo idlaatay doorashadii” ayuu yiri kadib guushiisis.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u hambalyeeyay Kevin McCarthy isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay in wadashaqeyni ay dhex marto hoggaanka Jamhuuriga.

Source Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -