Wiil uu dhalay boqorka UK oo shaaciyay in dad badan uu laayay iyo hadal heyn ka dhalatay

Mid kamid ah wiilashada uu dhalay Boqorka dalka Uk ayaa shaaciyay in dad badan ku laayay dalka Afganistan, xilligii uu kamid ahaa ciidamada Britain ee ka howlgalayay dalka Afganistan.

Wiilka labaad uu labaad Boqorka UK Harry Charles wareysiyo uu kaga hadlayay buug uu qoray ku sheegay in dalka Afganistan ku dilay dad gaaraya 25-qof intii uu katirsanaa ciidamada Uk.

Sida lagu qoray qaar kamid ah wakaaladaha wararka caalamka Harry Charles ayaa xusay in uu gacantiisa ku dilay 25-qof, waxa uuna dadkaasi uu dilay tilmaamay in ay ahaayeen xubno katirsan kooxda Taalibaan.

Hadalka uu sheegay wiilka Boqorka Uk ayaana abuuray hadal heyn badan, waxaana hadalkaasi siyaabo kala duwan uga falceliyay dadyow kala gedisan kuwaa oo qaarkood Amiirka ku tilmaamay gacan ku dhiigle naxariis daran.

Annas Xaqani oo katirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalka Afganistan ayaa sheegay dadka uu laayay wiilka Boqorka Uk aysan aheyn shax uu ciyaarayay balse ahaayeen bini’aadam rabay noloshiisa oo kale kana soo tagay qoysas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -