Faahfaahin laga bixiyey iska horimaad ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo

Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug gaar ahaana dhinaca Puntland waxaa ka dhacay saaka waaberigii iska horimaad u dhaxeeya maleeshiyaad aan la aqoonsan oo ka yimid dhinaca Galmudug iyo Ciidamada mamulka Puntland, iyadoo Weerarkan uu ka dhashay khasaare soo gaaray labada dhinac.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in maleeshiyaad uu ku sifeeyey iney yihiin shufto ay soo weerareen ciidamada Puntland, dibna loo caabiyey.

“Maleeshiyaadkan kama amar qaataan Galnudug iyo beel midna, waxay ahaayeen koox is abaabushay oo aanu u malaynayno iney ka xun yihiin nabada iyo is dhexgal bulsho ee sanadahan ka dhexeysay Galmudug iyo Puntlabd” ayuu yiri Axmed Muuse Nuur.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa intaas ku daray in ciidamada Puntland uu ka geeriyooday hal askari, dhinaca kalena ay wararka ku heleen inuu ka dhintay hal nin, wuxuuna bulshada ku dhaqan gobolka Mudug ugu baaqay iney ilaashaadaan nabadooda ayna iska ilaaliyaan kooxaha fidno wadayaasha ah ee ka soo horjeeda xasiloonida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -