Waayeelkii ku lumay Saxaraha ee uu soo badbaadiyay Eygiisa (Daawo Sawirro)

Gregorio Romero, oo ah 84 jir ku nool Sonora, dalka Mexico wuxuu abaal aan weligiis duugoobin u heyn doonaa eygiisa El Palomo oo qeyb weyn ka qaatay badbaadintiisa iyo in ugu dambeyntii laga soo helo saxaraha.

Toddobaad kahor ayuu Romero ka tagay gurigiisa dibna uma soo noqon. Markii hore looma arkin wax weyn maqnaanshihiisa maadaama uu mararka qaar habeen baryi jiray meelo uu yaqaan. Laakiin in cabbaar markii laga joogay tegitaankiisa ayaa booliska lagu wargeliyay inuu maqan yahay. Waxaana sawiradiisa lagu dhejiyay gidaarrada, wuxuuna ku jiray liiska baarista booliska. Laakiin marnaba kuma guuleysan inay soo helaan.

Waxaase guushaas dadaalkaas ugu dambeyntii ku guuleystay eygiisa oo soo helay halkii uu ku sugnaa. Intii baaristu socotay, booliska ayaa adeegsaday eeyaha wax uriya si ay raadkiisa uga daba-tagaan. Laakiin wax natiijo ah kama soo naasa-caddaan. Waana markii la diray eygiisa El Palomo si uu usoo helo.

Si aan daal lahayn oo joogto ah ayuu eygan u daba-galay wacaalka iyo raadka Romero oo uu cirifyada saxaraha uu isku dhaafay isaga oo baadigoobaya. Ugu dambeyntii wuxuu booliska dulgeeyey halkii uu ku tabbar dhigay isaga oo jiifa.

Gargaar degdeg ah oo odayga loo sameeyey kaddib hadda wuxuu si nabad ah u joogaa gurigiisa. Wuxuuna qeyb ahaan dadaalkii loo soo galay soo heliddiisa uu kaga mahadcelinayaa eygiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -