Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xarig loo geestay Samar Badawi oo Xiisad ka dhax abuurtay Sacuudiga iyo Canada

Boqortooyada Sacuudi Carabiya  ayaa shaaca ka qaaday in dalka Canada kala soo baxeyso safiirkooda u fadhiyay dalkaasi halka sidoo kale dalkooda ka eryayaan safiirka Canada u fadhiya .

Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in gabi ahaan joojineyso dhammaan ganacsigii iyo maalgalintii cusbayd ee kala dhaxaysay dalka Canada, waxa ayna arintan jawaab u tahay baaq kasoo yeeray dalka Canada.

Xiisada labada wadan u dhaxeysa ayaa timid kadib markii dowlada Canada shaacisay in ay ka xun tahay xarig Sacuudiga u geesatay Samar Badawi iyo dad kale oo u dooda xaquuqda aadanaha, waxa ayna Canada ku baaqday in dadkaasi lasii daayo.

Dowlada Sacuudiga ayaa xirtay  Haweeneyda lagu magacaabo Samar Badawi oo u dhaq dhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay balse haysata dhalashada Maraykanka.

Haweeneydan lagu xiray Sacuudiga ayaa dowlada ugu baaqday in lasoo afjaro meeshana laga saaro Muxramka Haweenka, waxaana tilaabadaasi carooday dowlada Sacuudiga oo amartay in la xiro haweeneydan.

Dowlada Canada ayaan wali ka jawaabin hadalka kasoo yeeray Boqortooyada Sacuudiga , waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan Canada war kasoo saarto hadalka kasoo baxay Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay saddex eedeysane iyo Dambiga ay galeen oo …

Cabdi Cade

Maamulka Ethiopian Airlines oo war ka soo saaray shilkii ku qabsaday garoonka Muqdisho

Caydiid Ali

Doorashadii ugu adkeyd kuraasta Golaha shacabka oo Gaalkacyo ka dhacday caawa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---