Dhul gariir dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay Jaziirada Lombok (Daawo Sawirada)

Dhul gariir xoogan ayaa ku dhuftay Jaziirada Lombok ee dalka Indonesia, waxaana dhul gariirkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimash iyo dhaawac soo gaaray dadkii kunoolaa Jaziiradan.

Cabirka dhul gariirkan ayaa lagu sheegay in uu gaarsiisnaa 7-, waxa uuna sababay in ay bur buraan dhismayaal badan oo kuyaala Jaziiradan iyo sidoo kale Jaziirada kale ee ku dhagan ee Balli.

Inta la xaqiijiyay dhul gariirkan waxaa ku dhintay 82-qof , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 100-qof oo lagu daweenayo xarumo caafimaad sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka deg dega.

Dhul gariirka ka dhacay Jaziirada Lombox ayaa sidoo kale saameyn badan ku yeeshay Jaziirada loo dalxiis tago ee Balli, waxaana dad badan bilaabeen in ay guryahooda ka baxaan si ay uga bad baadaan saameynta dhul gariirka.

Dalka Indonesia Jaziirado kuyaala waxaa marar badan ka dhacay dhul gariir dad badan ku dhinteen, waxaana goobaha sida weyn dhul gariirka u sameeyay kamid ah Jaziirada Balli oo ah Jaziirad si weyn loogu dalxiis tago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -