Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Ethiopian Airlines oo war ka soo saaray shilkii ku qabsaday garoonka Muqdisho

Maamulka diyaaradda caalamiga ah ee Ethiopian Airlines ayaa war ka soo saaray shil caawa maqribkii qabsaday dayuurada shirkadaas oo ka duuleysay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

“Shirkadu waxay xaqiijinaysaa ineysan jirin wax gubasho ah oo diyaaraddu kala kulantay magaalada Muqdisho.

Diyaaradda Ethiopian Airlines, duulimaadkeedii galabta ayaa matoorka diyaaradda waxaa galay Shimbirka GorGorka, cilad qabsatay oo aan markaas la xallin karin ayaa sabab u noqotay in diyaaraddu baaqato’ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxa shirkadda

Ethiopian Airlines ayaa intaa ku dartay in dadkii rakaabka ahaa ee safarkoodu baaqday dhammaantood la dajiyey Hotel ku yaalla Gudaha Garoonka dayuuradaha ee Muqdisho.

Shirkadu waxay sheegtay iney ka xun tahay dib u dhaca ku yimid duulimaadkii galabta, iyadoo balan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan arrintaas loo xalin doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Costa Rica oo xabsiga dhigtay nin lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab.

Caydiid Ali

Wasiirka difaaca Kenya oo booqday Magaalada Kismaayo, lana kulmay..(Sawirro)

Caydiid Ali

Dhismaha Hotelka ugu casrisan Muqdisho oo heer gebogebo ah maraya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---