Ruushka oo Xil Muhiim ah u magacaabay Atoore Caan ah oo u dhashay Mareykanka

Dowlada Ruushka ayaa xil sharafeed muhiim u ah waxa ay u magacawday Atoore caan ah oo u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Steven Seagal , atoorahan ayaana sanadkii 2016-kii la siiyay dhalashada dalka Ruushka.

Steven Seagal ayaa loo magacaabay in uu noqdo Ergayga gaarka ah ee u fadhiya magaalada Washington, dowlada Ruushka ayaana dooneysa in Atoorahan ka shaqeeyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Mareykanka iyo Ruushka.

War kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Ruushka ayaa lagu sheegay in xilkan cusub ee loo magacaabay Steven Seagal  uu yahay  mid sharafeed aan mushaar lagu qaadaneyn, waxa uuna  la mid yahay xilka Qaramada Midoobay ee safiir sharafeedka.

Steven Seagal ayaa Madaxweynaha dalka Ruushka ku tilmaamay ninka aduunka ugu qiimaha badan, waxa uu sidoo kale atoorahan Mareykanka u dhashay dhawaan Ruushka ka difaacay faragalintii uu ku sameeyay doorashadii uu ku guuleestay Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -