Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Boqor Salman Bin Abdiaziz oo magacaabay Danjirayaal Haween ah (Sawirro)

Wakaallada Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu Boqor Salman Bin Abdiaziz xalay magacaabay dhowr Danjirayaal cusub oo 2 ka mid ay Haween yihiin.

Munaasabad uu Boqorka ku magacaabay Danjirayaasha cusub ayaa waxaa lagu qabtay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga ee Al Yamamah Palace oo ku yaalla Caasimadda Riyadh.

Ambassador Haifa Al Jedea waxaa loo magacaabay Danjiraha Boqortooyada u jooga Xarunta Dhexe ee Midowga Europe (EU) oo ku taalla Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Sidoo kale, Ambassador Nesreen Al Shebel waxaa iyagana loo magacaabay Danjiraha Boqortooyada u jooga dalka Finland.

Labadan Diplomasi waxay Tirada Guud ee Haweenka xilka Danjirenimo ka haya Sacuudiga   ka dhigaysaa 5 Danjire oo wakiil u ah dalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Haweeneydii u horeysay ee Danjire ka noqota dalka Sacuudiga waxay ahayd Amiirad Reena Bint Bandar, taasi oo noqotay Safiirka Sacuudiga u joogay Maraykanka sanadkii 2019-kii.

W/T: Nuradin Ahmed Dini
Mogadishu. Somalia

 

Related posts

(Sawirro) Max’uud Sayid Aadan oo kulamo ka bilaabay degmada Balad-xaawo

Caydiid Ali

Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyey duqeyn ka dhacday duleedka Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali

Tiradada Shacabka lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Dagaalka Ukraine oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---