Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis Iskaashi (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka  Gaashaandhigga Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Abu Dubai heshiis iskaashi kula saxiixday dhigiisa dalkaas.

Heshiiskan ayaa la xiriira iskaashiga dhinaca milateriga, amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

“Waxaan heshiis iskaashi oo dhanka milatariga, amniga iyo ladagaallanka argagixisada khuseeyo la saxiixannay maanta dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta” ayuu yiri wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

“Heshiiskan ayaa waxa uu ku qotomaa xiriirka soojireenka ah ee labadeenna dal, waxa uuna ka tarjumayaa madaxbannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah. Heshiiskan ayaa waxa uu kor u qaadayaa awoodda difaac ee qaranka soomaaliyeed, waxa uuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtiraayo Soomaaliya” ayuu sidoo kale yiri Wasiirka.

Xiriirka dowladaha Somalia iyo imaaraadka oo xumaaday xiligii Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hagaagaya tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Xassan Shiikh.

أبو
أبوظبي في 4 يناير /وام/      استقبل معالي محمد بن أحمد

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -