Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Tiradada Shacabka lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Dagaalka Ukraine oo la shaaciyay

Duulaanka ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo sidoo kale ciidamada labada dhinac ee dagaalamaya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalka Ukarine, waxa ay sidoo kale Qaramada Midoobay shaacisay in dad badan dagaalka ku barakaceen.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dagaalka Ukraine lagu dilay dad gaaraya  406 qof oo shacab ah halka dhaawacyo kala duwan dagaalka kusoo gaareen ilaa  800-qof oo rayid ah.

Dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaa sidoo kale galaaftay nolosha kumanaan askari oo dhinacyada dagaalamaya, waxaana labada dhinac guulo kala duwan ka sheegteen dagaalka socdo in ka badsan 10-maalin.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo ka carooday Xayeesiin Dumarka loogu gafay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Askari loogu wacay in uu xiro dad Xatooyo looga shakiyay oo Ficil Cajiib ah sameeyay !!

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---