Al Shabaab oo shaacisay cida ay la beegsadeen Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Waxaa xalay fiidkii Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Baar Italia ka dhacay qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay .

Qaraxan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah soo gaaray, waxaa sidoo kale qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan uu bur buriyay goobo ganacsi oo kuyaalay aaga uu ka dhacay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxaasi la beegsadeen shaqaale iyo saraakiil katirsan dowlada oo goobtaasi isugu yimid.

“Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka dhacay goob ay xilliyada habeenkii ku caweeyaan xubno ka tirsan shaqaalaha wasaarado kala duwan ”ayaa lagu yiri War kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxan ku dhinteen dad ka badan 10-qof ay ku jiraan qaar kamid ah shaqaalaha dowlada, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in qaraxa ku bur bureen gaadiid ay wateen shaqaalaha dowlada.

Qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid xoogan oo sababay dhimashada dad gaaraya shan qof sida ay shaacisay dowlada, waxaa sidoo kale isbitaalada Muqdisho lagu daweenayaa dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -