Antony Blinken oo la kulmay Muslimiin kasoo jeeda Uyghurs oo ka bad baaday tacadi

Xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa kulan gaar ah la qaatay xubno kasoo jeeda muslimiinta qowmiyadda Uyghurs oo dowlada Shiinaha ku heyso tacadi iyo dhibaatooyin kale oo badan.

Xubnahan kasoo jeeda qowmiyada Uyghurs ee la kulmay Antony Blinken oo magacooda iyo sawiradooda aan la baahin ayaala sheegay in ay kasoo badbaadeem xeryo ku taal gobolka Xinjiang ee China halkaas oo lagu xiro laguna ciqaabo Muslimiinta Uyghurs.

Wasaarada arimaha dibadda dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Antony Blinken uu ka dhageestay xubnahan uu la kulmay dhibaatada dowlada Shiinaha ku heyso muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uyghurs iyo tacadiyo loogu geesto xeryaha lagu xiro.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Ned Price ayaa sheegay in ujeedka kulanku uu ahaa in la muujiyo ka go’naanta Mareykanka ee ah inuu “ku baaqo in Shiinuhu uu joojiyo sii wadista dambiyada ka dhanka ah aadanaha iyo xasuuqa ka dhanka ah Uyghurs iyo xubnaha kooxaha kale ee qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang.

Dowlada Shiinaha ayaa dhibaatooyin badan ku heysa muslimiinta kasoo jeeda Uyghurs , waxa ayna inta badan dadka kasoo jeeda qowmiyadaas ku xirtaa xeryo iyaga oo qaarkood ku qasba in ay ka baxaan diinta Islaamka sidoo kale tacadiyo xanuun badan u geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -