Wiil uu dhalay Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo maanta la dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal maanta ka dhacay deegaanka Abal lagu dilay Wiil uu dhalay Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan dowlada isku soo dhiibay.

Salaadii Jimcaha kadib ayaa dagaal xoogan waxa uu ka dhacay Deegaanka Abal oo qiyaastii 18-km u jira Degmada Xudur, waxaana dagaalkan u dhaxeeyay dagaalyahano taabacsan Abuu Mansuur iyo Dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Sida aan Wararka ku heleyno dagaalkan ayaa lagu dilay wiil uu dhalay Sheekh Mutaar Roobow oo kamid ahaa Saraakiisha hogaamineysay dagaalyahanada taabacsan Abuu Mansuur .

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in ciidamo katirsan Koonfur Galbeed iyo Dagaalyahano taabacsan Abuu Mansuur weerar kusoo qaadeen Deegaanka Abal, waxa ayna sheegeen in dagaalkaasi lagu dilay Wiilka Abuu Mansuur iyo saraakiil kale.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Sheekh Muqaar Roobow ayaan wali ka hadlin dagaalkan maanta ka dhacay deegaanka Abal, waxaana Degmada Xudur abaabul ka wada Ciidamada Koonfur Galbeed.

Dagaalyahano taabacsan Sheekh Muqtaar Abuu Mansuur ayaa ku sugan deegaano katirsan gobolka Bakool, waxa ayna dagaalyahanadan hada wada shaqeyn kala dhaxeysaa kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -