Madaxweyne Guudlaawe oo si adag uga hadlay Qaraxyadii Maxaas Baaq cusubna diray

Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku shahiiday qaraxii ay argagixisada cadowga ah ka geeysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Al Shabaab ay cadow ku yihiin nolosha iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed, Isagoo xusay in  ay ku jabeen dagaaladii lala galay ee looga xureeyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga tirtirayo  alshabaab ee u taagan xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka dadkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta” Ayuu yiri madaxweynaha

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Dhammaad

- Advertisement -