Sheekh Aadan Madoobe oo fuliyay mid kamid ah Shuruudihii Musharaxiinta Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa wax ka bedel ku sameeyay xubno ka tirsan guddiga farsamada ee shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa tixgaliyay qoraal ay soo saareen musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed , kuwaa oo cadeeyay in aysan ku kalsooneyn xubnaha qaar ee ku jiray guddigii uu horey u magacaabay Guddoomiyaha.

Musharaxiinta oo sjhuruudo adag ku xiray ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta  uu iclaamiyay Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabista guddiga qaban qaabada shirka ayna ku jiraan xubno ku dhaw dhaw Laftagaereem.

Wax ka bedelkan uu guddoomiyaha golaha shacabka ku sameeyay xubnaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaan la ogeyn in ay aqbali doonaan musharaxiinta oo sidoo kale ka qeybgalka shirka ugu xiray shuroodo kale oo adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -