(Sawirro) Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo loogu deeqay qalabka ka hortaga COVID-19

Itoobiya ayaa gudoontay shixnado ka kooban qalabka looga gaashaanto cudurka Coronavirus oo qaarada Afrika uu ugu deeqay maalqabeenka isla leh shirkadda ALIBABA oo u dhashay dalka Shiinaha Mr. Jack ma.

Alibaba ayaa ku deeqay Afrika qalab ay ka mid yihiin 100,000 kun oo maaskaro, 1,000 dharka ka hortagga iyo walxo kale oo la gaarsiinayo dowlad kasta oo ka mid ah 54 dowladood ee Afrika, si la mid ah waxaa wadamadaasi loogu tabarucay 20,000 oo xirmooyinka qalabka baaridda-caafimaad ee caabuqani lagu sameeyo.

Agabka waxaa kale oo ka mid ah 6 milyan oo maaskaro ah, 1.1 milyan oo xirmo baarid-caafimaad, 60,000 isku-joog dharka kahortagga ah, 60,000 oo maaskaro ka hortag leh iyo walxo kale ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, iyadoo isla beri oo ah Isniin (23 Maarso) looga kala daabuli doono agabkaasi wadamada Afrika sida la qorsheeyay.

Somalia ayaa ka mid noqoneysa dalalka ka faa’iideysan doona qalabkaas oo la filayo in dalka la soo gaarsiiyo maalmaha soo socda inkastoo illaa hadda laga helay hal kiis, haddana cabsi badan ayaa jirta.

Qiyaastii 35 dal oo afrikaan ah ayaa laga helay cudurkan, inkastoo ay aad u yar yihiin dadka uu haleelay ama u dhintay marka la eego dunida inteeda, iyadoo la sheegayo in 600 qof laga helay cudurkan afrika oo dhan, halka 17 kalena ay ugu dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -