Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxda Islamic Jihad oo War cusub ka soo saartay weeraradii ka dhacay Gaza

Kooxda Islamic Jihad ayaa guul ka sheegatay weeraradii socday sadexda cisho ee ka dhaca Gaza kuwaasoo dhexmaray dagaalyahanada kooxdan iyo ciidamada Yuhuuda

Warshada Korontada ee kaliya ee ku taal Qaza ayaa dib u bilowday shaqadeeda koronto dhalinta, ka dib markii ay heshiis xabad joojin ah kala saxiixdeen Israel iyo dagaalyahanada Islamic Jihad.

Xuduudda ayaa dib loo furay waxaana dib u bilowday keenista shidaalka muhiimka ah; isbitaallada ayaa sheegay in ay la daalaadhacayaan agab la’aan soo wajahday.

Xabbad joojinta oo ay garwadeen ka ahayd Masar, ayaa u muuqata in ay soo afjartay saddex maalmood oo colaad ah, oo ay ku dhinteen in ka badan afartan Falastiiniyiin ah.

Israa’iil ayaa duqeysay wax ay ku sheegtay in ay yihiin goobaha Jihaadka Islaamiga ah ee Gaza,halka kooxdan hubeysani ay boqolaal gantaal oodda uga qaadday Qudus iyo Tel Aviv.

Related posts

Jeneraal loo xilsaaray soo afjarida kooxda hubeysan ee Ahlusuna oo Dhuusamareeb gaaray

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo dhambaal gaar ah u diray dhigisa Mohamed Yonis Al-Menfi

Caydiid Ali

Mahdi Maxed Guuleed oo bilaabay dabagalka arrin uu u xilsaaray Raisul Wasaare Khayre (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---