Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka Cilmi Hagar Guure oo dib looga soo fagay goob ay ku aaseen Al-shabaab (Sababta)

Meydadka Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo lix kale ayaa laga soo fagay goob ay ku aaseen Al-Shabaab oo ku taalla degaanka Al-Kowthar oo ka mid ah degaanada hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

Al-Shabaab ayaa ku aasay meydadka nabadoonka iyo lixda kale god-weyn ka dib markii ay ku dileen dagaal culus oo ay la galeen macawisleyda Xawaadle.

29-kii September ee sanadkii hore ayuu dagaalka lagu dilay raggan ka dhacay degaanka Ceelqooxle ee gobolka Hiiraan ka dib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidan ka soo jeeda beesha Xawaadle oo degaankaas ku sugnaa.

Nabadoon Cilmi Hagar ayaa ka mid ahaa odayaashii Xawaadle ee ciidanka horkacayey, Al-Shabaab oo cadaawad adag u qaaday awgeed ayaa markii ay dileen waxay meydkiisa ku jiideen gaari, iyagoo shacabka u soo bandhigay,  ka hor inta aan la aasin.

Masuuliyiin, odayaal, Waxgarad iyo qeybaha bulshada ayaa ka qeyb galay meydadkan oo dib loogu aasay degaanka Maxaas, waxaana sababta loo soo fagay lagu sheegay in Al-shabaab ay siin xurmadii iyo karaamadii ay mudnaayeen, ayna hal god ku rideen markii ay aasayeen.

HOOS KA DAAWO AASKA LOO SAMEEYEY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amar ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu xiray garoomo ku yaalla Beerta Nabada

Caydiid Ali

Dowlada Qadar oo la siinayo Dhul ay ka dhisato Safaaradeeda Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Puntland oo fariisimo hor leh ka saaray Daacish (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---