Amar ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu xiray garoomo ku yaalla Beerta Nabada

Garoomo lagu ciyaaro Kubada cagta ama fustelka oo ku yaalla halka loo yaqaano beerta Nabada ee magaalada Muqdisho ayaa la xiray, lana joojiyey in lagu ciyaaro maalmo ka hor.

Xiritaanka garoomada yar yar ee ku yaalla beerta Nabada ayaa yimid ka dib amar ka soo baxay Al-Shabaab, iyadoo beerta nabadu ay kaabiga ku heyso xarunta sida weyn loo ilaaliyo ee Madaxtooyada Villa Somalia.

Qaar ka mid ah howlwadeenada beerta Nabada ayaa sheegay iney la soo xiriireen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, amarna lagu siiyey iney xiraan garoomada ku dhex yaalla Beerta Nabada taasina ay keentay iney xiraan, iyagoo amarkaas u hogaansamaya.

Garoomada yar yar ee ku yaalla gudaha beerta nabada ayaa la arkayey maalmihii la soo dhaafay iyagoo haawanaya ka dib markii maamulka beerta nabadu ay ka horjoogsadeen dhalinyarada iney halkaas ku ciyaaraan.

Inkastoo Al-Shabaab ay mudooyinkan culeys ku haysay garoomada yar yar ee qaabka ganacsi looga hirgeliyey xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa weli shaqeynaya inta badan garoomadan oo habeen iyo maalin lagu ciyaaro.

Beerta nabada ayaa ah goob ay dadweynaha Muqdisho u dalxiis iyo tamashle tagaan oo leh jariidooyin la qurxiyey oo lagu nasto, baarar, labo garoon oo lagu ciyaaro kubada cagta, meel lagu jimicsado (GYM) iyo goobo kale oo lagu madadaasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -