Madaxweyne Deni iyo Axmed Karaash oo isku khilaafay xaalada Laascaanood iyo Abaabul socda

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in khilaaf ku aadan sida loo wajahayo xaalada magaalada Laascaanood uu soo kala dhax galay madaxweyne Siciid Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash.

Labada masuul oo kulan ka yeeshay xaalada magaalada Laascaanood iyo sida maamulkooda u wajahayo ayaa la sheegay in natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kaddib markii labada masuul arrimaha qaar isku fahmi waayeen.

Sida aan wararka ku helnay Axmed Karaash ayaa doonaya in Puntland dagaal ku wajahdo magaalada Laascaanood, halka madaxweyne Deni soo jeediyay in xal aan dagaal aheyn loo wajaho dhibaatada ka taagan Laascaanood.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa sidoo kale la sheegay in uu dhibsaday qoraalkii madaxweyne Deni kasoo saaray xaalada Laascaanood, qoraalkaasi ayaa u badnaa mid uu baaq ugu diray Somaliland.

Dhinaca kale xildhibaano iyo saraakiil kasoo jeeda gobolka Sool ayaa abaabul kawada deegaanno katirsan gobolkaasi, xubnahan oo horey ugu sugnaa magaalada Garawe ayaana u dhaqaaqay dhinaca gobolka Sool.

Rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa laga cabsi qabaa in faraha kasii baxo uuna isku bedelo dagaal, ciidamada Somaliland ayaa wali rasaas nool nool u adeegsanaya shacabka dhigaya dibad baxyada looga soo horjeedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -