Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Ciidamada Asluubta oo War ka soo saaray qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Taliska ciidamada asluubta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho uu dhimasho iyo dhaawac u geystay qaar ka mida askarta ilaalada taliyaha ciidamada asluubta.

Afhayeenka Taliska Asluubta Cabdiqani Maxamed Khalaf ayaa xaqiijiyey in qaraxa oo ahaa mid fool xun oo lala beegsaday gaadiid gelbinayey Taliyaha ciidamada Asluubta iyo saraakiisha oo shaqo u socday xili ay marayeen agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdi-qaasim.

Qaraxaasi oo ahaa miino wadada la geliyey ayaa waxaa ku dhintay laba askari oo ka tirsan ciidamada Asluubta iyo qof shacab ah, halka ay ku dhaawameen afar kale.

Wuxuu sheegay inaan la gaarin ujeedadii iyo hadafkii laga lahaa qaraxa oo ahayd in la gumaado dadka, wuxuuna tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qaraxa oo masuuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Ciidamada Danab oo Shaqo joojin lagu sameeyay iyo Sabab layaab leh oo keentay!!

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo faahfaahisay duqeyn lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Booliska Puntland oo shaaciyey magaca & sawirka nin dil geystay oo la raadinayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---