Qoyska Uhuru Kenyatta oo ergo u soo dirsaday Madaxweyne Ruto iyo Wasiir Ducaale oo…

Qoyska madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xilligan wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dhinaca dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto.

Uhuru Kenyatta qoyskiisa oo kamid ah dadka ugu hantida badan qaarada Afrika ayaa xilligan wajahaya cadaadis dhinaca dowladda, kaddib markii lagu eedeeyay qoyskan in ay maal-galinayaan dibad baxyada dowladda ka dhanka ah.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in qoyska Uhuru Kenyatta qeyb ka yihiin xasillooni darada dalka , waxa uuna xusay in ay soo dirsadeen ergo ayna codsadeen in dowladda  faraha qaado ganacsigooda iyo arrimohooda gaarka ah.

“Maxaa ku kallifay qoyska Kenyatta in ay xasilloni darro u horseedaan Kenya? Waa qoyska ugu hantida badan Afrika. Madaxweynihii hore iyo qoyskiisa ayaa ergo u soo dirsaday dowladda oo waxa ay rabaan in faraha laga qaado,” ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Wasiir Ducaale waxa uu sheegay in arrintaas aan laga oggolaan karin qoyska Uhuru Kenyatta, oo haddii laga yeelo ay caqabad ku noqon karto hay’adaha dowladda u qaabilsan isla xisaabtanka dhinaca dhaqaalaha.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo qoyskiisa ayaa lagu eedeeyay in ay maalgalinayeen dibad baxyada  ka socda dalka Kenya ee dhaliyay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo boob.

Dibad baxayaal ayaana isbuucii hore galay beer weyn ay leeyihiin qoyska Uhuru Kenaytta, waxaana beertaasi ka dhacay boob loo geestay qaar kamid ah xoolihii ku jiray , halka sidoo kale la jaray geedo badan oo beerta ku yaallay.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo jaal yihiin madaxweynihii hore Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hormuud u ah dibed baxyada rabshadaha wata ee ka socda Kenya, waxa uuna beeniyay in dibad baxyada ku lug leeyahay Uhuru.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -