Dowladaha Raashiya & Ukraine oo mar kale is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal

Dalalka Ruushka iyo Ukraine ayaa qeyb kale oo maxaabiis labada dhinac ah isweydaarsaday shalay galinkii dambe oo lagu soo beegay bilashada sannadka cusub ee 2023-ka tirsiga Taariikhda Miilaadiyada.

Qoraal uu Andriy Yermak oo ah madaxa xafiiska Madaxweynaha Ukraine dhigay barta Telegram ayuu ku sheegay inay Raashiya soo daayeen 140 Maxaabiis Reer Ukraine ah, kuwaasi oo dib ugu soo laabtay dalkooda Hooyo.

Maxaabiistaasi waxay kala ahaayeen 132 rag iyo 8 haween, kuwaasi oo ku dhaawacmay, lana qabtay xilligii ay difaacayeen magaallada Mariupol iyo Jesiirada Zmiyiny island.

Dhanka kale, Wasaaradda difaaca ee Raashiya waxay shaacisay in la soo daayey 82 Askar Raashiyaan, kuwaasi oo Maxaabiis u ahaa Ukraine.

Hadal-qoraal oo ay Wasaaradda Difaaca Raashiya soo saartay ayaa lagu sheegay in wada-xaajood laga galay maxaabiista la isweydaarsaday oo lagu soo beegay sannadka cusub ee 2023-ka.

Isweydaarsiga Maxaabista labada dhinac waa kii 3-aad ee bishii December oo keliya la sii daayey, , iyadoo bishii hore November 6-dii la sii daayey 60 askar Ukraine ah, halka bishii hore 6-dii iyagana la sii daayey 50 Askar Raashiyaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -