Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax aad weyn ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah abaare 7:15 daqiiqo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

Qaraxan oo aad u xoog badnaa lagana maqlay meelo badan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey.

Wararka ugu horeeya ee ku soo dhacaya warqabadka allbanaadir.com ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay afaafka hore oo baar Italy oo ku yaalla inta u dhexeysa gurigii hore ee shaqaalaha iyo Shineemo Somalia.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah mid aad mashquul badan oo ay ku yaallaan goobo ganacsi, iyadoo gaadiid fara badan ay xiligaas marayeen wadada maka Al Mukarama, kuwaasoo qaarkood uu qaraxu halkaas ku qabsaday.

Bartamaha wadada iyo hareeraha Maqaaxida ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay yaalaan Meydad iyo dhaawacyo badan oo ku waxyeeloobay Qaraxa, waxaana wadada ku gubanaya gaadiid iyo Mootooyin qaraxu uu haleelay.

Lama oga in gaariga qarxay uu ahaa mid ismiidaamin ah iyo in goobta la dhigay, sidoo kale khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay ayaan weli la ogeyn.

Ciidamada amaanka ayaa goobta xiray iyadoo gaadiidka gurmadka ah ee ambalaasta loo yaqaabo ay halkaas ku sii kala cararaya si ay u soo daabulaan dadka dhaawacyada qaba, waxaana la xiray wadada Maka Al Mukarama guud ahaan.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena ugu horeeya insha allaah.  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -