Xaasaska Al Shabaab oo laga musaafuriyay Balad Xaawo iyo Al Shabaab oo ka fal celisay

Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxaa ka dhaqan galay amar maamulka degmadaasi dhawaan ku bixiyay in la musaafuriyo xaasaska iyo Caruurta ay dhaleen dagaalyahanada Al Shabaab.

Wararka aan ka heleyno degmada Balad Xaawo ayaa sheegaya in durba uu dhaqan galay amarka maamulka kasoo baxay ee Xaasaska iyo Caruura Al Shababa looga saarayo degmada Balad Xaawo .

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la arkayay baabuur degmada Balad Xaawo looga qaadayay xaasaska iyo caruurta Al Shabaab, waxaana maamulka Degmada la sheegay in xoog magaalada uga saarayaan cidii amarkooda diida.

Al Shabaab oo horey ugu hanjabtay in degmada Balad Xaawo go’doomineyso hadii amarkaasi dhaqan galo ayaa durba dhankooda waxa ay bilaabeen in ay go’doomiyaan degmada Balad Xaawo.

Sida ana Wararka ku heleyno Al Shabaab ayaa diiday in degmada Balad Xaawo galaan ama kasoo baxaan gaadiidka xamuulka iyo waxyaabaha muhiimka ah sida, waxa ayna Shabaab go’doomintan uga jawaabayeen amarkii maamulka Balad Xaawo.

Waxagradka iyo ganacsatada degmada Balad Xaawo ayaa ku guul dareestay in Maamulka degmada ku qanciyaan in ay ka laabtaan amarka Degmada looga saarayo xaasaska iyo caruurta Al Shabaab.

Degmada Balad Xaawo ayaa durba laga dareemayaa go’doominta ay Al Shabaab saareen, waxaana dadku qabaan cabsi badan oo ku aadan in saameyn xoogan ka dhalaneyso go’doomina la saaray Balad Xaawo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -