Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Anita Kiki Warbixina ka siiyay howlgalada socda (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Anita Kiki Gbeho.

Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan Howlagallada deegaanada Hirshabeelle looga xureynayo kooxda  alshabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda oo iskaashanaya ay cadowga ka xureeyeen deegaanno iyo degmooyin ay Al Shabaab ku dhibaateen jireen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro cadowga ay kamid yihiin in maanta ay isu furan yihiin isu socodka Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Aadan-yabaal, Ruunirgood, Matabaan, Maxaas iyo Beledweyne oo dhowr iyo toban sano ay u go’naayeen argagixisada cadowga ku ah jiritaanka iyo badqabka umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in dhammaan deegaannada laga xureeyay argagixisada laga fulin doono barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

- Advertisement -