Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdiga DF uga qeyb galaya dacwada Badda oo saaka u ambabaxay Heague

Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya  kuwaasoo oo ka qeyb galaya dhageysiga dacwada badda ee Somalia iyo Kenya ee taalla Maxkamada ICJ ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa ku sii jeeda xarunta Maxkamada ICJ oo ku taalla magaalada Hague ee dalka Netherlands

Waxaa hoggaaminaya wafdigan Ra”iisal Wasaare Ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar waxaana ku wehliya xubno kale oo katirsan Gollaha Wasiirada iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Fadhiga Dacwadda ayaa ka qabsoomaya hoolka The Peace Palace ee magaalada Hague waxaana ka qayb galaya xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Ra”iisal Wasaare Ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar oo shir jaraaid ku qabtay garoonka Aadan cadde ayaa sheegay in Somalia ay si weyn ugu diyaar garowday dhegeysiga dacwada badda, ayna rajeynayaan iney guul ku soo dhamaato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil uu dhalay Hogaamiyihii dalka Liibiya Qadaafi oo doonaya in Madaxweyne noqddo

Cabdi Cade

Faahfaahino kasoo baxaya Madaafiic la isku weydaarsaday degmada Balcad

Caydiid Ali

Shirkad Soomaaliyed oo sheegety in Hantida lagu Dhisayo Isbitaalka Sheekh Zayed Muqdisho ay tahay Hanti laga Dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---