Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa goordhaw kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha dalka Jabuuti waxaa si heer sare ah garoonka ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirro iyo xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamanaka federaalka.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa markii uu kasoo degay garoonka Aadan Cadde salana sharafeed isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya waxa ay uga qaateen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya halkaasi uu kulamo kula qaadan doono madaxda dalka ugu sareysa gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho u yimid in uu xarigga ka jaro  dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA, xaruntan dhismaheeda uu  horey u dhagax dhigay Madaxweyne Geelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -