Allbanaadir.com
NEWS

Wiil dhallinyaro ah oo isku diyaarinayay Imtixaanka Shahaadiga oo Muqdisho lagu dilay

Askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliisa milataare ayaa shalay degmada Kaaraan , gaar ahaan xaafada Arjantiin ku dilay wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabayay Yuusuf Maxamed Shuqaale ayaa kamid ahaa ardayda isbuuca soo socda u fariisan lahaa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhaxe, hasa ahaatee askari katirsan ciidanka dowladda ayaa wiilkan yar nolosha u aqoonsaday.

Aabaha , hooyada iyo ehelada kale ee wiilkan la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in gacanta lagu soo dhigo askariga dilka geestay , waxa ayna codsadeen in ay caddaalad u helaan wiilkooda.

Ehelada wiilkan ka dilay oo hadda meydkiisa ku jiro filinjeer ayaa sheegay in aysan aasi doonin ilaa caddaalad looga helo marxuumkaasi, lana soo qabto askarigii sida gardarada ahey u dilay.

Waxa uu sheegay aabaha wiilka la dilay in wiilkiisa shalay duhurkii ugu dambeesay uuna ka codsanayay, haddii imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhaxe ku baaso in uu u iibiyo moobeel nuuca Iphon-ka.

Dilalka micno darada ah ay mararka qaar geesanayaan askarta katirsan ciidanka dowladda ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho, waxa ayna dilalkan lumiyaan kalsoonida shacabka ku qabaan askarta dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo xafiiskiisa Ku qaabilay danjire Mikhail Golovanov (Sawirro)

Caydiid Ali

Ma dhabbaa in R/wasaare Kheyre ka dalbaday xoghayaha xafiiskiisa inuu xilka ka dago.? [WARBIXIN]

admin

Guri kuyaalla magaalada Muqdisho oo dumay iyo khasaro dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade