Xildhibaan caan ahaa oo maydkiisa laga dhax helay Hotel uu Degnaa iyo baaritaano socda

Qaar ka mid ah Warbaahinada Raashiya iyo Hindiya ayaa xaqiijiyey in Xildhibaan Gobaleed caan ka ahaa dalka (A regional MP) lagu magacaabi jirey Pavel Antov uu geeriyooday, xilli uu dalxiis ku marayey dalka Hindiya.

Xildhibaanka oo ka soo jeeda Gobalka Vladimir Oblast ee Bartamaha Raashiya waxa uu xubin ka ahaa Xisbi Siyaasadeedka ugu balllaaran dalka Raashiya ee lagu magacaabo (The United Russia’ Party).

Geerida Pavel Antov waxaa xaqiijiyey Ku-xigeenka Madaxa Barlamaan-Gobaleedka Gobalka Vladimir Oblast oo lagu magacaabo Vyacheslay Kaetukhin, balse Faahfaahin dheeraad kama bixinin waxa sababay dhimashada Pavel Antov oo 65-jir ahaa.

Sida laga soo xigtay Telefishinka Hindiya ee NDTV, waxaa maydkiisa maalintii Sabtidii la soo dhaafay laga helay isagoo dhex waran goob uu dhiig badan yaallay ee duleedka Hotel uu ka deganaa magaalladda Rayagada we Bariga dalka Hindiya.

Xildhibaanka geeriyooday waxaa la sheegay inay isaga iyo 4 xubnood oo Dalxiisayaal Raashiyaan ah ay Arbacadii hore booqdeen Hotelka laga helay maydkiisa.

Sarkaal ka tirsan Boliska Hindiya oo la hadlay Telefishinka NDTV in laga yaabo in Geerida Pavel Antov ahayd Fal Is-dil ahaa (A suicide).

Sida laga soo xigtay Sarkaalka Boliska waxa uu Ninka geeriyooday walaac iyo naxdin ka qaaday Geerida ku timid saaxiibkiisa dalxiis kale ahaa oo lagu magacaabi jirey Vladimir Bydanov oo 61-jir ahaa.

Vladimir Bydanov oo ahaa Ganacsade Raashiyaan ah wax uu ku dhintay isla Hoteelkaas oo uu isbuucii hore soo degay.

Sida laga soo xigtay Qunsulka Guud ee Raashiya u jooga dalka Hindiya, Aleksey Idamkin waxa uu sheegay inuu Vladimir Bydanov la il-darnaa Wadno-Xanuun (A heart attack).

Qaar ka mid ah Warbaahinta Raashiya waxay tebiyeen in Vladimir Bydanov ahaa Ganacsade ka soo jeeda Jamhuuriyadda Mari El Repubblic ee ku taalla Bartamaha dalka Raashiya.

Labada Muwaadin ee Raashiyaanka ee maydkooda la helay waxaa la sheegay inay ahaayeen saaxiibo si wadajir ah Socdaal Dalxiis Tamashlayn ah ku joogay dalka Hindiya.

W/Q Ustaad Nuuradiin Abukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -