Taalibaan oo loogu baaqay in si degdeg ah uga laabtaan Go’aan ay dhawwaan soo saareen

Ururka Taalibaan ee haya talada dalka Afgaanistan ayaa dhawwaan soo saaray go’aan ay haweenka uga mamnuucayaan in ay ka shaqeeyaan xafiisyada dowladda iyo sidoo kale hay’adaha samafalka.

Go’aankan kasoo baxay ururka Taalibaan waxaa si weyn uga hor yimid qaar kamid ah haweenka ku dhaqan dalka Afganistan ,waxaa sidoo kale go’aankan cambaareeyay Qaramada Midoobay iyo ururo kale oo u dooda xaquuqda aadanaha.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ururka Taalibaan ka dalbaday in si deg deg ah uu uga noqdo mamnuucidda uu ururkaasi haweenka kaga mamnuucay in ay ka shaqeeyaan hay’adaha samafalka.

Golahani ayaa sheegay in wax aad looga walaaco ay tahay xayiraadaha Taalibaanku ay ku soo rogeen dumarka dalkaasi, kuwaa oo ay sheegeen in ay lid ku yihiin ballanqaadyadii ururkani uu u sameeyay shacabka dalkaasi markii uu xukunka la wareegay.

Ururka Taalibaan ayaa horey haweenka uga mamnuucay goobaha waxbarashada iyo xafiisyada dowladda, waxa ay sidoo kale Taalibaan soo saareen amaro kale oo xadidaya dhaq dhaqaaqa dumarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -